SHARE

 

Urur weynaha mucaradka ee Nasa ayaa sheegay in senetarka ismaamulka Bungoma uu mar labaad qabanayo xilka ah hogaamiyaha mudanayaasha laga tirada badanyahay ee aqalka sare ee dalka halka ku xigeenkiisa uu noqonayo senetarka maamul goboleedka Siaya James Orengo.
Gudoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa loo soo xushay inuu noqdo hogaamiyaha mucaradka ee aqalka baarlamaanka wuxuuna xilkaasi kala wareegaya mudanaha laga soo doortay degaanka galbeedka Kitui oo ka tirsan xisbiga Wiper Francis Nyenze .
Mr Mbadi oo ah xildhibaanka degaanka Suba ayaa waxaa ku xigeen u ah Ayub Savula oo ka tirsan xisbiga ANC.
Mr Wetang’ula ayaa laga doonaya inuu warqad u qoro gudoomiyayaasha baarlamaanka iyo aqalka sare ee kala ah Justin Muturi iyo Kenneth Lusaka .
Baarlamaanka 12-aad oo shalay furmay madaxweynahana uu khudbad ka jeediyay ayaa maanta yeelanaya kalfadhigiisi ugu horeeyay.
Baarlamaanka ayaa saaka meel mariyay magacyada xildhibaanada ee uu xisbiga jubilee soo gudbiyay inay ka mid noqdaan xubnaha gudiga howlaha baarlamaanka.
Xildhibaanada uu xisbiga jubilee soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah mudanaha degaanka Kipipiri horayna u soo noqday wasiirka wasaarada maaliyada Amos Kimunya, xildhibaanka degaanka Kitutu Masaba Shadrack John Mose, wakiilka haweenka ee ismaamulka Meru Kawira Mwangaza iyo dhigeeda Turkana Joyce Akai Emanikor.
Xildhibaanada Aqalka Senetka iyo baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulan uu uga doodayo khudbadii uu shalay jeediyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here