SHARE

 

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta aya sheegay in shacabka kenyaanka ah ay diyaar u yihiin in 17-ka bisha tobnaad ee sanadkan ay wadanka ka dhacdo doorasho madaxtinimo oo ku celis ah.
Mr. Kenyatta ayaa hogaamiyaasha garabka mucaaradka ee Nasa ka dalbaday inay soo afjaraan dalabyada uu ku tilmaamay kuwo anan loo baahneyn oo ay doonayaan in gudiga doorashooyinka ee IEBC uu fuliyo.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa ka dhawaajiyay in inta mucaraadka Nasa uu ku mashquulsanyahay shir jaraaid oo lagu qabto Nairobi, xisbiga jubilee uu ku guda jiro olole xoogan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo hadalkan jeediyay isagoo ku sugan xaafada Free area ee ismaamulka Nakuru aya intaa ku daray in jubilee ahaan ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada doorashada ku celiska ah.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa ka dhawajiyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay daremeen in loolankaasi looga adkaan doono taasina ay tahay sababta keentay inay ku goodiyaan inaysan doorashada madaxtinimo ka qeyb geli doonin.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa maanta waxaa uu la kulmay qowmiyadda Abagusi isagoona ka codsaday in ay u codeeyaan xiliga doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here