SHARE

 

Warbixin cusub oo la hor keenay baarlamaanka dalka ayaa lagu sheegay in dowlada ay mudo 4 bilood gudahood ah qaadatay lacag deyn ah oo kor u dhafeysa 430 bilyan oo shilinka dalka.
Waxaa lacagtaasi la deensaday laga soo bilaabo 1-dii bishii labaad ilaa iyo 30-kii bishii lixaad ee sanadkan.
Wasaarada maaliyada ayaa laga soo xigtay in lacagtaasi ay tahay mid lagu maalgelin doono mashaariicda hormarineed sida kaabayaasha wadooyinka, biyaha, tamarta, waxbarashada iyo caafimaadka.
Dokumeenti baarlamaanka uu maanta horkeenay hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaden Bare Ducale ayaa muujinaya in 29 deynmood ay wada saxiixdeen dowlada iyo shirkado ama bangiyo kale.
Bangiyada deyntaasi laga qaadayo ayaa waxaa ka mid ah PTA Bank ,Standard Chartered Bank, Standard Bank, CITI Bank iyo Rand Merchant bank.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo qaar ka mid ah hogaamiyaasha dalka ay sheegen in Kenya ay qaadaanayso deymo xad dhaaf ah in kastoo dhaliishaasi ay ku gacan seyrtay wasaarada maaliyada.
In ka badan 40 bilyan oo ka mid ah lacagtaasi amaahda ah ayaa loo adeegsan doonaa mashruuca hormarinta gaadiidka ee gobolka waqooyi bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here