SHARE

 

Hogaamiyaha dalka Myanmar haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi ayanan ka qeyb geli doonin kulanka golaha qaramada midoobay ee ka dhacayo magaalada New York ee Maraykanka.
Afhayeen u hadlay xisbigeeda NLD ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Mrs. San aysan iska xaadirinin doonin shirka lagu wado inuu qabsoomo 20-ka bishan aan ku guda jirno ee Sebtembar.
Hasa ahaate waxaanan faahfaahin laga bixinin sababta ay hogaamiyaha Myanmar shikaasi uga baaqanayso.
Maamulka Aung San Suu Kyi, ayaa lagu dhaliilay inuu xadgudbyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha kula kacay bulshada muslimiinta ah ee laga tirada badanyahay ee Rohingya ee ku noo gobolka galbeed ee Rakhine .
Tan iyo 25-kii bishii sideedaad ee sanadkan waxaa dalka Myanmar ka cararay oo talaabay xadka wadanka dariska la ah ee Bangladesh 370,000 qof oo ah qowmiyada Rohingya.
Khudabadii ay bishii sagalaad ee sanadii la soo dhafay ka jeedisay kulan uu yeelanayay golaha jimciyada qurumaha ka dhexeysa ayay Mrs. Aung San Suu Kyi ku difaacday dadaalka dowladeeda ay ugu jirto in xal loo helo dhibaatooyinka haysta jaaliyada ku nool gobolka Rakhine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here