SHARE

 

Isku shaandheyn lagu sameeyay gudoomiyaasha ismaamulada kala duwan ee dalka u matalo dowlada dhexe ayaa saameysay 3 ka mid ah oo looga yeeray xarunta Harambee House ee magaaladatani Nairobi.
Xoghayaha wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho ayaa isku shaandheyntaasi shaaciyay.
Gudoomiyaasha looga yeeray xafiiska madaxweynaha ee daarta Harambe house ayaa waxaa ka mid ah Pauline Dola oo ka howlgaleysay Vihiga, Joseph Keter oo dowlada dhexe u matalayay ismaamulka Kilifii iyo Samuel Njora oo ahaa gudoomiyihii Kisii.
Xilkii uu hayaya Mr. Keter ayaa waxaa la wareegay Mr Magu Mutindika oo ahaa gudoomiyihii maamul goboleedka Marsabit.
Gudoomiyihii ismaamulka Nairobi Godfrey Kigochi ayaa loo wareejiyay maamul goboleedka Kisii
Hasa ahaate waxaanan weli gudoomiya hor leh la geynin ismaamulada kala ah Vihiga, Nairobi iyo Marsabit oo madaxdii ka shaqeynayay laga wareejiyay.
Sido kale gudoomiyihii ka howlgelayay Nyeri Karuku Ngumo ayaa la geeyay ismaamulka Kwale .
Mr Fredrick Shisia oo ka shaqeynayay maamul goboleedka Mandera ayaa loo wareejiyay Nyeri halka Mr Kutswa Olaka oo laga soo qaaday uu noqonayo gudoomiyaha Mandera .
Mr macalim maxamad oo ahaa gudoomiyihii Kisumu ayaa loo wareejiyay Makueni wuxuuna xilkaasi kala wareegaya Mr Alex Ole Nkoyo.
Mr Mwenda Njoka oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee wasaarada arrimaha gudaha ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay isbedeladaasi.
Waxaa uu intaa ku daray in isku shaandheyntu ay iska caadi tahay sarkaal kastana laga doonayo in goobta la gu wareejiyay uu tago ugu danbeyn 15-ka bisha sagalaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here