SHARE

Dowlada Ingiriska ayaa sheegtay inay jeceshahay inay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ay ka taageerto dhinaca dhaqaalaha hadii codsi rasmi ah loo soo gudbiyo.
Safiirka ingiriiska ee dalka Nic Hailey ayaa ka dhawaajiyay in gudiga doorashooyinka ay sido kale ka caawinayaan dhanka tayada.
Waxaa uu intaa ku daray in xiligii doorashadii guud ee bishii sideedaad ee sanadkan ay gudiga IEBC ugu deeqeen 1.5 bilyan oo shilin.
Sido kale safiirka ayaa ka dhawaajiyay in dowlada Ingiriiska ay ka go’antahay in doorashada ku celiska ah ay noqoto mid ku saleysan daahfurnaan iyo dimuqaradiyad.
Hasa ahaate Mr. Hailey ayaa gudoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati ka codsaday inuu ku dadaalo sidii doorashada madaxtinimo ee ku ceilska ah loogu maareyn lahaa qaab dastuurka waafaqsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here