SHARE

 

Xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Ugandha ee NRM ayaa si aqlabiyad leh u tageeraya mooshin looga gol lahaa in isbedel lagu sameeyo dastuurka wadankaasi oo meesha looga saaro sharciga qeexaya dad’ada kama dambesyka ah ee uu musharax u tartami karo xil madaxweyne.
Talaabadaasi aaya loo arkaa inay tahay mid madaxweyne Yoweri Museveni u fududeynayso inuu mar kale hogaanka Ugandha u tartamo sanada 2021-ka.
Madaxweyne Museveni, 72, ayaa waxaa hada inuu mar kale xilkaasi isu soo sharaxo dastuurka hada laga isticmaalo wadankaasi oo dhigaya in hadii hogaamiyuhu uu gaaro 75 sano uusan hogaan u loolami Karin hasa ahaate qodobkaasi ayaa codeynta xildhibaanada ka dib la bedelaya.
Hadii isbedelkaasi si buuxda loo dhaqangeliyo waxaa ka faaidaya madaxweyne Museveni oo laba bilood ka hor sheegay inuu diirada saarayo barnaamijyada hormarineed oo uusan ku mashquulsaneyn da’ada kama dambeyska ee lagu qaban karo hogaanka ugu sareeya ee Ugandha.
Sanadii 2005-kii ayay ahayd markii baarlamaanka Ugandha uu isbedel noocan oo kale ah uu ku sameeyay dastuurka wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here