Xaaladda ismaamulada qaar oo maanta degan kadib markii ay horay dibadbaxyo uga dhaceen

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Qeeybo ka mid ah ismaamulada dalka sida magaaladatani Nairobi iyo Kisumu oo ay dibadbaxyo ka dhaceen kadib markii habeenimadii ay sabtida soo galeysay lagu dhawaaqay natiijada madaxtinimo ayaa maanta degan.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo shalay gudiga qaran ee xuquuqul aadaha ee KNCHR uu sheegay in ciidamada booliska ay adeegsadeen awood xad dhaaf oo ilaa iyo maalintii doorashada guud la dilay 24 qof.
Xubnaha urur weynaha mucaaradka ee Nasa sida senetarka maamul goboleedka Machakos Johnston Mutahama ayaa ka dhawaajiyay in la dilay in ka badan 100 qof in kastoo anan la xaqiijin.
Wasiirka wasaarada waxbarashada sido kalena ah sii hayaha xilka wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa dhankiisa ku gacan seyray in booliska ay dibadbaxyaasha u adeegsadeen awood xad dhaaf ah.
Dhanka kale xogyahaya dallada ay ku bahoobeen ururada shaqaalaha ee COTU Francis Atwol ayaa madaxda siyaasadeed ku booriyay in ay dadweynaha nabada ugu baqaan oo ay midnimo muujiyaan.
Xoghayaha qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa siyaasiyiinta ku booriyay in tageerayaashooda ay ka codsadaan in ay isdejiyaan oo aysan rabashado kicin.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply