SHARE

Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 15qof halka 40 kalena ay ka soo gareen dhaawacyo kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.
Magaalada Quetta ayaa ah caasimada goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha argagixisada ah .
Qaraxaasi ayaa lala eegtay baabuur ay leeyihin militariga wadankaasi waxaa ayna dadka ku dhintay isugu jiraan 8 ka mid ah sarakiisha difaaca ee dalkaasi iyo 7 qof oo shacab ah sida lagu xusay bayaan uu militariga Pakistan soo saaray.
Madaxweynaha wadankaasi Mamnoon Xussain ayaa weerarkaasi si kulul u canbareeyay.
Kooxda isku tilmaanta khilafada ismaaliga ee ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here