SHARE

Ururka ay ku bahobeen qurba joogta Kenyaanka ah ee magiciisu loo soo gaabiyo KDA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay doonayaan in dowlada ay soo saarto wasaarad gaar ah oo ka shaqeysa arrimaha kenyaanka dibada ku nool.
Waxaa ay madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu hambalyeeyeen guusha mar labaad u soo hooyatay ee uu hogaanka dalka ku qabanayo hasa ahaate ay doonayaan in uu musuqmaasuqa la tacaalo.
Waxaa ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Willaim Ruto ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u guda galaan mideynta shacabka.
Gudoomiyaha ururka KDA Mr. Shem Ochuodho ayaa ka dhawaajiyay in 5-ta sano ee soo socoto la doonayo in la arko isbedel muuqda.
Waxaa uu gudoomiyuhu tusaalo u soo qaatay wadamada Nigeria, Hindiya iyo Georgia oo uu sheegay in ay leeyihiin wasaarado u gaar ah qurba joogtooda.
Macluumaadka bangiga dhexe ee CBK ayaa muujinaya in sanadii la soo dhafay, kenyaanka ku nool dalka dibadiisa ay eheladooda u soo xawileen 179 biilyan oo shilin.
Waxaa uu intaa ku daray musuqmaasuqa iyo sinaan la’aanta ay yihiin caqabadaha maamulka jubilee looga fadhiyo inuu wax ka qabto.
Codbixiyayaal kenyaan ah oo qurbaha ku nool oo gaaraya 4,393 ayaa ka qeyb qaatay doorashadii guud ee dalka ka dhacday 8-dii bishan sideedaad ee sanada 2017-ka.
Waxaa dalka dibadiisa ku nool qiyaastii 3 milyan oo qof oo kenyaan ah hasa ahaate dhamaantood lama diiwangelinin.
Mr.Ochuodho ayaa hogaamiyaasha urur weynaha mucaaradka ee Nasa ka codsaday in waxyaabaha ay tabanaayan ay ku xaliyaan qaab waafaqsan dastuurka dalka u yaalo.
Dhanka kale waxa weli socdo diyar garowga loogu jiro in hogaanka dalka mar labaad loo dhaariyo madaxweyne Uhuru Kenyatta kadib markii dhawaan lagu dhawaaqay in uu ku soo baxay loolankii loogu jiray talada wadanka.
Madaxa waaxda shaqaalaha iyo adeega dadweynaha Mr.Joseph Kinyua ayaa hogaaminayo gudiga ku howlan sidii xafalada dhaarinta loogu guuleysan lahaa.
Go’aanka kama dambeyska ah eek u aadan dhaarinta madaxweynaha la doortay ayaa sida dastuurka ku qeexan la qaadan karaa mudo 14 maalmood ah kadib markii natiijada lagu dhawaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here