Isku duwaha amaanka ee gobolka xeebta oo shacabka uga digay in ay dibadbaxyo sameyaan.

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Isku duwaha amaanka ee gobolka xeebta ee dalka Mr. Nelson Marwa ayaa shacabka ku nool maamul goboleedyada kala duwan ee gobolkaasi u jeediyay digniin ku aadan in aysan dibadbaxyo ku dhaqaaqain.
Waxaa uu ka dhawaajiyay in cidii isku dayda in ay ka qeyb qaadato dibadbax rabshado wato laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan.
Mr. Marwa ayaa sheegay in ciidamada booliska aysan marnaba ka gaabin doonin in ay awood xadidan u adeegsadaan dadka qalalaasaha kicinaya sido kalena burburinayo hantida dadweynaha.
Hasa ahaate Mr.Marwa ayaa shacabka iyo hogaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaas ku amaanay in ay si nabad ah u codeyeen.
Dhanka kale waxaa shahaadada muujinaysa in uu guuleystay la gudoonsiiyay gudoomiyaha ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho kadib markii uu helay codad gaaraya 221,177 halka Suleiman Shahbal oo uu loolan kala dhexeyay uu helay 69,515 oo codad ah.
Isku duwaha amaanka ee gobolka xeebta Mr. Nelson Marwa ayaa gudiga IEBC amar ku siiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gudoomiyuhu u gudoonsiyaan shahaadada maadama sida uu hadalka u dhigay lagala daahay.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply