SHARE

Mike Mbuvi Sonko oo horay u ahaa senetarka maamul goboleedka Nairobi hasa ahaate dhawaan ku guuleystay xilka gudoomiyaha ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono Mr.Johnstone Sakaja oo ku soo baxay loolankii loogu jiray xilka senetarka iyo Esther Passaris oo ku guuleysatay xilka wakiilka haweenka ee kountiga Nairobi.
Seddexdan mas’uul ayaa shahaadada muujinaysa in ay tartankaasi ku soo baxeen lagu gudoonsiiyay fagaaraha Kasarani ee magaaladatani Nairobi.
Mike Sonko oo adeegsanayay tiketka xisbiga jubilee ayaa helay codad gaaraya 845,193 halka Dr. Evans Kidero oo ka soo jeedo xisbiga ODM uu helay 674,803 oo codad ah.
Johnson Sakaja oo horay baarlamaanka ku soo galay si magacaabis ah ayaa hada ku guuleystay xilka senetarka ee ismaamulka Nairobi waxaa uuna helay codad gaaraya 813,841.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here