8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Meru

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Wararka inaga soo gaaraya ismaamulka Meru ayaa sheegaya in 8 qof oo rakaab ahayd ay ku dhimatay shil halkaasi ka dhacay oo u dhexeyay baabuurta nooca loo yaqaano matatuuda iyo mid ka mid ah kuwa xamuuka qaada ee looriga.
Labadan baabuur ayaa isku dhacay xili ay marayeen goobta lagu magacaabo Ng’onyi iyadoo goobjoogayaal ay sheegen in matatuuda ay isku dayeeysay in ay ka hormarto mooto.
Mr Patrick Murithi oo ka mid ah dadka ku nool degaankaasi ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 6 qof oo la geeyay cisbitaalka weyn ee ismaamulka Meru.
Mataatuuda aya waxaa saarna 10 qof oo rakaab ah waxaana dhintay 8 ka mid ah oo uu darawalka ku jiro.
Isku duwaha hay’ada laanqeerta cas u qaabilsan gobolka bari ee dalka Mr.Mugambi Gitonga ayaa dhankiisa sheegay in ay soo samata bixiyeen labo qof in kastoo dadkii looriga saarnaa ay shilkaasi ka badbadeen.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply