Tagerayaasha NASA oo dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedan natiijada madaxweynenimo ee doorashadii dalka ka dhacday

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijadii kursiga madaxaweynenimo ee gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ay shaaca ka qaaden ayaa waxaa ay habeenimadii xalay ka dhaceen ismaamul goboleedyada kala ah Siaya, Kisumu, qeybo kamid ah Nairobi iyo Migori.
Dhallinyaro careeysan ayaa dibadbaxyo ka dhigay xaafadaha kala ah Shauri Yako, Sofia iyo Makongeni ee kuyaallo ismaamul goboleedka Migori.
Ciidamo boolis ah ayaa galabnimadii maalintii shalay ahayd lagu arkaayay magaalada Migori iyo xareeraheeda.
Ismaamul goboleedka Kisumu ciidamadda booliska ayaa waxaa durbadiiba kadib markii lagu dhawaaqay natiijadda kama dambeysta ahayd la arkaayay iyagoo diyaaradaha ay leeyihiin ay dulaayen hawada si ay u la socdaan dhaqdhaqaaqa magaaladaas.
Magaalada Siaya waxaa iyadana laga maqlaayay dhawaaqa rasaasta sida ay sheegen dadka degaanka kadib markii ay dadka degaan dibadbaxyo ka dhigeen waddooyinka waa weyn ee kuyaalla magaaladaas si ay uu muujiyaan darenkooda kuaadan natiijada kama dambeysta ahayd ee gudiga IEBC u shaaca ka qaaday.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply