SHARE

Dowladda Mareykanka ayaa Kurdiyiinta reer Iraaq ka codsatay in dib ay uu dhigaan afti la filaayay in waddanka Iraaq ay ka dhacdo taas oo ku saabsaneyd madax banaanida degaanka Kurdiyiinta oo la qorsheeyay in ay dhacdo 25-ka bisha soo socoto ee Sebtembar sida uu sheegay madaxweynaha Kurdiyiinta Iraaq.
Codsigan ayaa waxaa Kurdiyiinta reer Iraaq uu diray xoghayaha arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka Rex Tillerson maalinnimadii shalay oo jimca ahayd xilli uu khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha degaanka Kurdiyiinta Iraaq Massoud Barzani.
Waaxda arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa bishii Juun ee sannadkan sheegtay in ay walaac xoogan ka muujineysa aftidaas Kurdiyiinta ay qaadi rabaan waxaana war ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka lagu sheegay in ay jiraan arrimo dhowr ah oo haboon in mudnaanta la siiyo sida dagaalka lagula jiro dagaalyahaanada kooxda isugu yeerto khilaafada islaamka ee ISIL.
Waddanka Mareykanka iyo waddamada kale ee reer galbeedka ah ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujinaayan aftidaan Kurdiyiinta ay doonaayan in ay ku dhaqaaqan waxaana ay ka cabsi qabaan in tan ay uu horseedo kala qeybsanaan kale oo ay lugaha la galaan waddamada kuyaalla gobolka.
Waddamada Turkiga, Iran,Suuriya iyo Ciraaq ayaa waxaa kunool dad Kurdiyiin ah waxaana ay dhamaantood kasoo wada jeedaan in Kurdiyiinta ay yeeshan waddan iyaga gaar uu ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here