Madaxweynaha Shinaha oo sheegay in loo baahan yahay in si nabad ah xaal looga gaaro Nukliyeerka Kuuriyada waqooyi.

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Madaxweynaha waddanka Kuuriyada waqooyi ayaa ku baaqay in si nabad ay ku dheehan tahay xaal looga gaaro nukliyeerka Kuuriyada waqooyi ay tijaabineeyso waxaana uu baaqan jeediyay xilli uu aroornimadii maanta khadka telefoonka u kula xiriiray dhiggiisa waddanka Mareykanka Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa maalinnimadii shalay oo jimca ahayd ku hanjabay in militariga Mareykanka uu diyaar uu yahay ka hortagida wax walibo oo caqabad ku noqon karo xasiloonida iyo nabadda dalka Mareykanka waxaana uu xukumadda Pyongyang uu ku eedeeyay in ay gacanka kuuriyeed in ay uu horseedeyso in uu lugaha la galo dagaalka nukliyeerka.
Madaxweyne Xi ayaa Trump uu sheegay in ay dan ugu jirto labadooda dal in hubka nukliyeerka laga dhigo Kuuriyada waqooyi si gacanka kuuriyada looga dhigo mid nabad ah isla markaasina xasiloon.
Madaxweyne XI ayaa aaminsan in xaal uu helida arrintan la xiriirta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada waqooyi xaal looga gaari karo wada haddalo siyaasadeed waxaana uu madaxweynaha sheegay in Shinaha ay ka go’antahay in ay la shaqeeyan Mareykanka si xaal loogu helo nukliyeerka Kuuriyada waqooyi.
Televishan ay leedahay dowladda Shiinaha oo soo xiganaaya madaxweyne Trump ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu fahansan yahay doorka uu Shinaha ka cayaraayay arrintan la xiriirta Nukliyeerka Kuuriyada waqooyi.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply