SHARE

Waddamada dibadda ee daneeya arrimaha dalkan Kenya si weynna uu la socday doorashada isbuucan dabayaaqada uun ah dalka ka dhacday ayaa Kenyaanka ku booriyay in ay isdajiyaan oo ay xasilloonida iyo amaanka dalka ku da’adaalan.
Baaqan dalalkan daneeya arrimaha gudaha ee dalkan Kenya ayaa kusoo aadaaya iyadoo fiidnimadii xalay shaaca laga qaaday natiijada doorashada dalka ka dhacday sannadkan waxaana ay ugu baaqen in axzaabta siyaasadeed ee aan ku qancin natiijadaas in ay waddo sharci ah uga soo horjeedsadan.
Kormerayaal ka socday qaramada midoobay,Mareykanka,Britain ayaa ku baaqay in nabadda dalka ay muhiim tahay waxeyna ugu baaqen in Kenyaanka ay xasiloonida dalka ku da’adaalan waxaana tan ay imaneysaa kadib markii ay cadaatay in isbahaysiga NASA ay su’aalo ka keenen natiijada kursiga madaxweynenimo ee xalay gudiga IEBC uu ku dhawaaqay.
War saxafadeed ay si wadajir ah uu soo saaren waddamadaan iyo hay’adda qaramada midoobay oo u saxaafada uu aqriyay safiirka Mareykanka uu fadhiya dalkan Kenya ayaa waxaa ay axzabta siyaasadeed ugu baaqen in ay isdajiyaaan oo waxyaabaha ay ka tabanaayan ay uu maraan qaab sharci ah oo aysan khalalaase xaal ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here