SHARE

Siyaasiyiin kala duwan oo ka soo jeedo gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ku guuleystay xilalkii hogaanka oo ay loolanka ugu jireen.
Saaxada siyaasadeed ee ismaamulada hoos tago gobolka waqooyi bari ayaa waxaa ku soo biiray dad hor leh iyadoo madax kalena ay mar kale jagadii ay hayeen ay dib u soo ceshadeen.
Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aadan Bare Ducale oo uu loolan adag kala dhexeyay gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Farax macalim iyo sido kale musharixin uu ka mid ahaa Captain Cabdi Yare ayaa markii sedexaad ku guuleystay in uu noqdo xildhibaanka degaanka Garissa Township.
Sarkaalka degankaasi u matalo gudiga doorashooyinka ee IEBC Boru Duba ayaa sheegay in Mr. Ducale uu helay codad dhan 22,587 halka Farax Macalim uu helay 14,897 oo codad ah.
Waxaa sido kale loolankaasi qeyb ka ahaa Aden Mohamed Abdullahi oo helay 135 codad ah halka Cabdi Yare Maxamed uu helay 454 oo codadkii la diibtay ah..
Aden Bare ducale ayaa markii ugu horeysay ku soo baxay doorashdii sanadii 2007-dii xiligaasi oo uu matalayay degaanka Dujis.

Dhanka kale Cabdinuur dhaqane oo horay u ahaa wakiilkii xaafada Qalaliyow u matalayay golaha hoose ee ismaamulka Mandhera ayaa mar kale ku guuleystay qabashada xilkaasi
Adan Macalin Cabdullahi ayaa ku guuleystay kursiga xaafada Township u matalo golaha hoose ee ismaamulka Mandhera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here