Maxaad ka ogtahay doorashada guud ee maanta ka dhaceeyso dalkan Kenya?

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Waxaa maanta oo talaada ah ay dad dhan 19.6 milyan oo Kenyaan ah ay uu dareraayan si ay codkooda uu dhiibtan islamarkaasina ay uu soo doortan hoggaamiyaasha hoggaamin doono dalka laga billaabo heer degaan ilaa iyo Heer qaran.
Doorashadan ayaa ah tii 2-aad ee dalka laga qabto tan iyo markii uu dalkan Kenya yeeshay dastuurkii la baasmariyay 4-ta bishii August ee sannadii 2010-kii.
Kuraasta sida weyn indhaha loogu haayo ee ay dadka Kenyaanka ah daneynaayan ayaa waxaa kamid ah kursiga madaxweynenimo oo ay uu tartamaayan 8 murashax kuwaas oo kala ah Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo kazoo jeedo xisbiga jubilee,Hoggaamiyaha garabka mucaaradka dalka ahaan jirayna raisalwasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ku tartamaaya tigedhka isbahaysiga salka ballaaran ee NASA,Cyrus Jirongo oo ku taagan xisbiga United Democratic Party,Ekuru Aukot oo xisbigiisu yahay Thirdway Alliance party,Maxamed Abduba dhiidha oo kasoo jeedo xisbiga Alliance for Real Change iyo sadexda murashax ee sida madaxa banaan ugu tartamaaya kursiga madaxweynenimo kuwaas oo kala ah Joseph Nyagah, Michael Wainaina iyo Japheth Kavinga Kaluyu.
Marka laga tago murashaxiinta uu tartamaaya kursiga ugu sareeyo dalka ee madaxweynenimo ayaa waxaa loolan loo gali doonaa kuraasta kala ah kursiga xildhibaanimo,Kan Senetarnimo,Kursiga gudoomiyaha ismaamul goboleedka,Kursiga wakiilka haweenka iyo kursiga golaha aqalka hoose ee ismaamul goboleedyada.
Kenya ayaa waxey ka kooban tahay 290 degaan baarlamaan waxaana kursigan la filaaya in marka natiijada shaaca laga qaadao in ay kusoo baxaan 290 xubnood oo xubin ka noqon doonaan aqalka baarlamaanka dalka.
Senetarada iyo wakiilada aqalada hoose ee la soo dooran doono ayaa laga rabaa in tiradoodu ay noqoto 94 taas oo micnaheedu yahay 47 senetar iyo 47 ah wakiilada haweenka,gudoomiyeyaasha ismaamul goboleedyada ee lagu wadaa in la soo doorto ayaa iyaguna waxey tiradoodu tahay 47 qof.
Ka hor doorashadaan maanta dalka ka dhaceeyso ayaa Kenya waxey horay uu soo martay marxalado kala duwan 29-ka bishii aan kazoo gudubnay ee July ayay ahayd markii weerar uu hal nin ku qaaday guriga uu madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto ka degan yahay ismaamul goboleedka Uasian Gishu waxaana xilliga gurigaan weerarka lagu soo qaadaayay aan xaadir ku ahayn madaxweyne kuxigeenka iyo qoyskiisaba.
Weerarkan ayaa qaatay muddo dhan 18 sacadood ka hor inta aan la soo gabagabeynin iyadoona ugu dambeyn la dilay ninkii weerarka gurigaan kusoo qaaday balse waxaan ilaa iyo hadda aan la oggaanin sababta iyo hadafka uu lahaa ninka weeraray guriga madaxweyne kuxigeenka.
Bishii Julai 27-keeda ayay ahayd markii laba meyd lagu arkay duleedka magaala madaxda dalkan Kenya ee Nayroobi waxaana mid kamid ah maydadka uu ahaa sarkaalka dhanka isgaarsiinta iyo teknolojiyada uu qaabilsanaa gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Maydka qofka 2-aad ayaa ahaan gabadh da’adeedu lagu shegay 21 sano jir taas oo magaceeda lagu sheegay Maryanne Ngumbu waxaana maydadka 2-dan qof ka muuqday jirdil loo geeystay ka hor inta aan la dilin.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply