Madaxweynaha oo qaranka la hadlay ka hor doorashada guud ee berri dhaceyso

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee maanta la hadlay shacabka saacado un ka hor doorashada guud ee berri qabsoomayso.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa isagoo ku sugan madaxtooyada dalka ku baaqay in lagu dadaalo nabada iyo midnimada xiliga codeynta iyo markii la soo gabagabeeyo kadib.
Mr. Kenyatta ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay in laga fogaado rabshado iyo kala qeybinta dadweynaha.
“Iyadoo aan la eegeynin natiijada kazoo bixi karto doorashadaan waa in aan isku duubnaano oo aan midoowno,Marka laga soot ago wax walibo waa in aan ka hortagno wax walibo oo cabsi horseedi kara,wax walibo oo qalalaase horseedi karo iyo isku day walibo oo na lagu kala qeybin karo.
Kenya waa hoyga keliye ee aanu leenahay,Waa hoyga Keliye ee aanu garaneeyno,Caruurteena wey inaga eegaayan si aan tusno wadada saxda ah,Si aan ugu wareejino wadan ka fiican kii inagu aan dhaxalnay”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka Kenyaanka ah ugu in ay ku dadaalan nabadda iyo xasiloonida dalka.
“Marka aad codeeysid fadlan gurigaada ku laabo,ku laabo qofka jaarka ku la ah adigoo aan eegeynin halka uu isaga amaba iyada ay kasoo jeedo,qabilkooda,Midibkooda iyo diintooda,qofka jaarka ku la ah waa walaalkaa,Qofka jaarka ku la ah waa walaasha,Sida aad uu codeeysay yeysan bedelin qaabka aad uu la dhaqmeysid qofka jaarka ku la ah,Salaan ka qaad,La cuntey aan sugno natiijada doorashada”
Hoggaamiyaha garabka mucaaradka dalka ayaa isna maalinta shalay ahayd ugu baaqay dadka Kenyaanka ah in ay si weyn isugu soo baxaan oo ay ka qeyb qaatan codbixinta maanta dalka ka dhaceeyso.
“Si aad uu noqotid qof Kenyaan oo waddani ah,berry soo bax codey kana qeyb qaado howlaha codbixinta ee doorashooyinkan,Haa cabsanin,Uu codeey isbedelka waddankeena,Kuwa aan uu codeyn doonin isbahaysiga NASA waxaad leedahay xuquuq dimuqraadi ah ee aad ku codeeysid,Codey berri,Sidaas haddi aad sidaas sameeysidna waxaad Kenya ka dhigeeysaa waddan xoogan,Ugu dambeyn waxaan doonaaya in aan boggaadiyo murashaxa aan iska soo horjeedno ee Uhuru Kenyatta,Sannadkan waxaa uu sameeyay olole caddaalad ah ee uu ka sameeyay guud ahaan dalka,waxaan iyagana uu rajeyneynaa kheyr waxaanu leenahay murashax ugu cadcad haa ku guuleysto doorashadaas”
Dhanka kale maxkamada sare ee dalka ayaa hanjabaad ah in la xirayo warbaahintii shaacisa natiijada doorashada ka hor gudiga IEBC ku tilmaantay mid anan loo fiirsan oo lagu fududaaday.
Bishii la soo dhafay ayay ahayd markii wasiirka waasarada warfaafinta , isgaarsiinta iyo teknolojiyada Mr. Joe Mucheru uu sheegay in aysan jirin cid loo ogolaan karo inay natiijada ku dhawaaqdo iyadoo aysan shaaca ka qaadin gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply