Madaxda diimaha kala duwan oo loogu baaqay in ay ka shaqeyaan mideynta shacabka

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta  iyo ku xigeenkiisa William Ruto  ayaa  hogaamiyaasha  diimaha ku booriyay  in ay safka hore ka galaan  arrimaha nabada iyada oo ay sii xoogeysanayaan  ololaha loogu jiro doorashada guud.

Khudbad uu jeediyay wasiirka waxbarashada   Dr Fred Matiangi  oo wakiil ka ahaa madaxweynaha dalka ayaa  lagu sheegay in kaniisadaha iyo masaajida ay kaalin muhiim ah ka qaatan in kenyaanka  nooloshoodu ay  noqoto mid ku saleysan dhaqanka wanaagsan.

Madaxweyne ku xigeenka  dalka  William  Ruto ayaa dhankiisa madaxda diimaha  u soo jeediyay  in ay  shacabka mideyaan  xitaa ka dib doorashada  guud oo la filayo in ay dalka ka dhacda  bisha sideedaad ee sanadkan.

Sido kale kenyaanka  ayuu ku booriyay in ay u duceyaan dalka si ay uga dhacdo doorasho xaq iyo xor ah.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply