Madaxweynaha Maamulka falastiin iyo Madaxweynaha Masaarida oo maanta kulan kuwada qadanaayo magaalada Qaahira

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Madaxweynaha maamulka falastiin Maxamoud Cabbas ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta ay diyaarada sida kasoo degto magaala madaxda wadanka Masar ee Qaahira.

Safarka madaxweyne Cabbaas ayaa daba socdaa kadib markii u casuumad ka helay madaxweynaha wadanka Masar Cabdel-Fattah El-Sisi waxaana lagu wadaa in ay kawada hadlaan waxyaaba dhowr ah oo labada dhinac ay dan ugu jirto oo ay kamid tahay shirka la filaayo in wadamada carabta ay dhawaan kuyeeshan magaalada cammaan ee dalka Urdun .

Waxaa sidoo kale la filaaya in labadaan mas’uul ay kawada hadlaan arrimo la xiriira dhaqaalaha,Ammanka iyo arrimaha bani’aadanimo ee maamulka falastiin iyo hanaanka maamulkaas uu ugu soo laaban karo maamul amni ah.

Booqashada madaxweyne   cabbaas ayaa kamid ah waxyaabaha ay labadaas dhinac ee katirsan daladda ay kuwada midooben wadamada carabta ay uga hadli doonaan arrimaha caalamka.

Maalinta khamiista ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Masar iyo dhigiisa Urdun ay qabteen shir jaraaid oo ayna warbaahinta  u   sheegen in labadooda dal ay si weyn ugu ololeynaayan in Falastiin ay noqoto dal madax banaan .

 

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply