SHARE
natiijada-cayaaraha-galabta-la-dheelay

Cayaaraha haddi aan eegno iminkan kooxda Arsenal ayaa waxa ay garoonkeeda ku dubatay kooxda Stoke city iyadoo kaga adkaatay 3 gool iyo hal waxana goolasha kooxda Arsenal u dhaliyay cayaaryahanadeeda kala ah Theo Walcot oo goolka 1-aad dhaliyay daqiiqadi 42-aad,goolka 2-aad ayaa waxa dhaliyay Mesut Ozil daqiiqadi 50-aad,Goolka 3-aad ayaa waxa dhaliyay da’ yarka kooxdaas u dheelo ee Alex Iwoobi daqiiqada 75-aad,goolka kaliye ee Stoke ayaa waxa u dhaliyay kaptanka hore ee kooxda Blackpool Charlie Adam kaas oo goolkaas ku dhaliyay qaab rigoore ah daqiiqadi 29-aad.

Barcelona ayaa waxa ay iyadana ku tumatay kooxda Osasuna waxana ay ku garaacday 3 gool iyo eber oo goolasha Barcelona waxa dhaliyay labada weeraryahaan eek ala ah Louis Suarez oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 59-aad,Messi ayaa laba gool kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 73-aad iyo 90-aad ee cayaartaasi

Kooxda Bayern Munich ee ka dheesho horyaalka Bundesligaha ee Jarmalka ayaa waxa ay cashar lama ilooban ah u dhigtay kooxda Gurigeeda ku soo booqatay ee Wolfsburg iyadoo kaga adkaatay 5 gool iyo eber waxana goolasheeda u dhaliyay cayaaryahanadeeda kala ah Arjen Roben oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 18-aad,Robert Lewandowski ayaa galka kala baxay toorida oo waxa u laba gool dhaliyay daqiiqadaha kala ah 22-aad iyo 58-aad,Weeraryahanka reer Jarmal Thomas Muller daqiiqada 76-aad halka goolka 5-aadna uu u dhaliyay Douglas Costa daqiiqadi 86-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here