Natiijada ciyaaraha xalay la dheelay ee liig kupka Ingiriiska

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Waxa xalay garoomada kala gadisan ee kuyaala waddanka Ingiriiska ka dhacay 8 kulan kuwaas oo ka tirsan koobka liig kupka ee ingiriiska waxana ay kulamadaasi u dhacayn sidatan

AFC Bournmouth ayaa garoonkeeda looga awood roonaaday waxana looga badiyay 3 gool iyo 2 gool waxana ay la dheeleysay kooxda Preston North End

Brighton Hove and Albion iyo Reading waxa ay ku kala baxayn 2 gool iyo hal gool oo ay halkaas guusha ku racday kooxda Reading

Liverpool ayaa 3 gool iyo eber dhagaha ku dhufatay kooxda Derby County waxana goolasheeda u kala dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah Ragnar Klavan oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 24-aad,goolki labaad ayaa waxa daqiiqadi 50-aad dhaliyay philippe coutinho halka goolka 3-aadna u dhaliyay Divock Origi daqiiqadi 54-aad

Everton iyo Norwich,Norwich ayaa ku badisay 2 gool iyo eber

Leeds United,Black burn Rovers ayaa 1 gool iyo eber ugu badisay

Leicester iyo Chelsea,Chelsea ayaa 4 gool iyo labo ku badisay oo waxa goolasheeda u dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah Gary Cahill oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 45-aad,Cesar Azpilicueta goolki labaad ayuu dhaliyay daqiiqadi 50-aad,Fabregaas ayaa laba gool kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 92-aad iyo 94-aad.

Newcastle United 2 gool iyo eber ayay wolverhampton wanderers kaga adkaatay

Nottingham Forest ayaa gurigeeda lagu dubtay oo waxa ka badisay kooxda Arsenal waxana ay kaga badisay 4 gool iyo eber waxana Arsenal goolasheeda u dhaliyay ciyaaryahanadeeda kala ah Granit Xhaka oo goolki 1-aad dhaliyay daqiiqadi 23-aad,Lucas Perez ayaa laba gool kala dhaliyay daqiiqadaha kala ah 60-aad iyo 71-aad halka goolka 4-aadna u dhaliyay Alex Oxlade Chamberlin daqiiqadi 90-aad.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.
Share.

About Author

Leave A Reply