Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ugu yaraan 12 ismaamul oo la filayo in ay maanta ansaxiyaan hindisaha...

Ugu yaraan 12 ismaamul oo la filayo in ay maanta ansaxiyaan hindisaha BBI

Waxaa la filayaa in galinka dambe ee maanta ugu yaraan 12 ka mid ah golayaasha hoose ee ismaamullada dalka ay ansaxiyaan hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu sheegay inuu rajeynayo in ugu dambeyn maanta la helo tirada sharci ahaan loo baahan yahay ee ah ugu yaraan 24 dowlad deegaan.
Ilaa iyo hadda qorshaha ku aaddan in la qabto afti wax looga beddelayo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Kenya ayaa waxaa codkooda ku taageeray wakiillada 12 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay waxayna kala yihiin Samburu, Nairobi, Vihiga, Laikipia, Siaya, Kisumu, Homa Bay, Busia, West Pokot, Trans Nzoia, Kajiado iyo Kisii.
Wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Kitui, Machakos iyo Makueni ayaa horay u ballanqaaday in ay si aqlabiyad leh u meel marin doonaan hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Meel marinta qorshaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa ilaa iyo hadda laga diiday keliya ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments