Faahfaahin qaraxa ka dhacay Muqdisho & booliska oo ka hadlay

0
707

Qaraxa uu jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne iyo Goobta Ganacsiga ee City Mall.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saddiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ka hortageen Nin isku soo xiray jaakad qarax oo doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee Ciidamada amniga ay eryadeen, taas oo keentay in Jaakada qaraxa uu iska tuuro ayna qaraxdo, qaraxaasna uusan geysan wax khasaaro ah.
“ Abaare 11:25 barqanimo ee maanta ayay Ciidanka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin ayuu yiri” Afhayeenka.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne oo hoggaaminayay Ciidamo Boolis ah oo erynayay Ninka doonayay in uu is qarxiyo.
Xaaladda Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan waxaa ay kusoo noqotay mid caadi ah iyadoona Ciidanka Amniga ay Gacanta Ku Dhigay Ninkii Watay Qaraxa.
Waxaana haatan goobta ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here