Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Baarlamaanka Canada oo sheegay in dowladda Shiinaha ay xasuuqday bulshada Uighur

Baarlamaanka Canada oo sheegay in dowladda Shiinaha ay xasuuqday bulshada Uighur

Golaha xeer dejinta ee dalka Canada ayaa meel mariyay mooshin ku saabsan in qaabka ay dowladda Shiinaha ula dhaqantay bulshada muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ay tahay xasuuq.
Tani ayaa xukuumadda ra’iisul wasaare Justin Trudeau ku cadaadinaysa in ay go’aan kani la mid ah soo saarto.
Mooshinka oo ay soo saareen xubnaha mucaaradka ayaa waxaa u codeeyay 266 oo ah xubnaha baarlamaanka Canada mana jirin cid ka soo horjeesatay.
Madaxa xisbiga mucaaradka ee Canada Erin O’Toole ayaa sheegay in ay goobjoogayaal iyo dad dhibaatooyinka ka badbaaday ay ka soo xigteen in ugu yaraan hal milyan oo qof oo isugu jiro qowmiyadaha Uighur iyo muslimiinta kale ee Turkic ay xerooyin ku jiraan.
Waxaa uu codeynta ka dib warfidiyeenka u sheegay in xadgudubyada dadkaas loo gaysanaya ay yihiin kuwo laga naxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments