Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila oo qabo kalsooni ah in 24 dowlad deegaan ay ansixin doonaan...

Raila oo qabo kalsooni ah in 24 dowlad deegaan ay ansixin doonaan hindisaha BBI

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa muujiyey kalsooni ah in 24 dowlad deegaan ay maalinka Talaadada ee toddobaadkan ansaxin doonaan hindise sharciyeedka BBI ee la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Raila ayaa ugu yeeray kuwa ka soo horjeeda geddisocodkan in aysan beddelin mowqifkooda.
Waxaa u xusay inay tahay xaquuq dimuqradiyadeed in la kala aragti duwanaado.
Ilaa iyo hadda waxaa geddiscodkan meelmariyay 11 ismaamul.
Ismaamulladan ayaa kala ah Galbeedka Pokot , Busia, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Trans Nzoia, Kajiado, Kisii, Vihiga, Laikipia iyo Nairobi.
Waxaa ilaa iyo hadda geddisocdokan ka soo horjeystay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo in kastoo dacwad arrinkaan looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 13 ismaamul oo dheeraad ah si loo helo ugu yaraan 24 dowlad deegaan oo qorshaha aftida loogu gudbiyo labada aqal si ay uga fiirsadaan kaddibna loo aado afti qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments