Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya EACC oo baaraysa ismaamullo ku takriifalay lacagaha lagula tacaalaya COVID-19

EACC oo baaraysa ismaamullo ku takriifalay lacagaha lagula tacaalaya COVID-19

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu ku howlan yahay baaritaano ka dhan ah 5 ka mid ah ismaamullada wadanka oo lagu tuhmayo in sida habboon aynan u adeegsan dhaqaalaha loogu talagalay maareynta xaaladaha cudurka COVID-19.
Madaxa fulinta ee EACC Twalib Mbarak ayaa hoosta ka xarriiqay in ay si gaar ah u eegayaan soo iibsashada agabka caafimaad , bixinta qandaraasyada iyo shaqaaleysiinta la xiriirta.
Mr .Mbarak ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru sheegay in natiijada ka soo baxday baaritaannada hor dhaca ah ee la sameeyay ay tilmaamayso in aan la adeegsan hab-raaca habboon ee soo iibsashada agabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in baaritaannada ay hadda marxalad sare marayaan.
Sidoo kale waxaa uu difaacay waxqabadka guddiga uu hoggaamiyo ee EACC isagoo xusay in galka baarista ee fadeexaadii laga soo tabiyay maamulka KEMSA ay u gudbiyeen xafiiska waaxda dacwad soo oogidda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments