Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaanka deegaanka Bonchari oo geeriyooday

Xildhibaanka deegaanka Bonchari oo geeriyooday

Xildhibaanka deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii John Oroo Oyioka ayaa geeriyooday ka dib in muddo oo uu xanuunsanaa.
Waxaa geerida mudanaha xaqiijiyay xubno ka mid ah qoyskiisa.
Mr. Oyioka ayaa dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Kisumu.
Oyioka ayaa noqday siyaasigii shanaad ee saddex bilood gudahood geeriyooday marka laga soo tago xildhibaankii deegaanka Kabuchai James Lusweti , dhigiisi Matungu Justus Murunga , senatarkii Machakos Boniface Kabaka iyo dhigiisa Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji oo shalay galab la aasay.
Geerida xildhibaanka deegaanka Bonchari waxaa ka tacsiyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ,wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya oo sheegay in ay ka wada tirsanayeen guddiga tacliinta , cilmi baarista iyo tiknolojiyadda ee golaha xeer dejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments