Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida senatarka Garissa

Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida senatarka Garissa

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , asxaabta , ehellada iyo shacabka ismaamulka Garissa ka dib geeridii ku timid senatarkii dowlad deegaankaas Maxamad Yuusuf Xaaji.
Mr. Kenyatta ayaa senatarka ku tilmaamay rug caddaa siyaasadeed oo xita muddooyinkii ugu dambeeyay ee uu hoggaaminayay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ahaa waddani la isku halleyn karo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Maxamad Yuusuf Xaaji uu ahaa oday aad loo ixtiraamo oo waxgarad ah aqoon qoto dheerna u leh bulshooyinka wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in senatarka geeriyooday uu muddo dheer si ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu soo adeegay dalka.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha wadanka xusay in geerida Maxamad Yuusuf Xaaji ay tahay dharbaaxo xooggan oo wadanka ku timid gaar ahaan geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in hoggaamintii senatarka si weyn loo tabi doono.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in Maxamad Yuusuf Xaaji uu ahaa tiir muhiim ah marka la eego dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka
Waxaa sidoo kale geerida senatarka Garissa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin madaxa xisbiga ODM Raila Odinga , Kalonzo Musyoka, William Ruto , Aadan Barre Ducaale , Canab Suuboow, Maxamad Cabdi Maxamuud, Cali Bunow Qorane, Cali Roba,Wycliffe Oparanya, senatar Abshiro Halake,Dr .Boni Khalwale ,Dr.AlfredMutua , Gladys Boss , senatar Samuel Poghisio ,Ukur Yatani,
Cabdi Muxumad Dhaqane ,Cali Xasan Joho , Nathiif Jaamac iyo guddoomiyaha golaha SUPKEM ee waqooyi bari Dr. Adan Yuunis.
Senatarka ayaa saaka ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi isagoo 80 sano jir ah.
Waxaa uu dhashay sanadkii 1940-kii wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo hoggaamiyay.
Alle ha u naxariistee Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa mar ahaa isku duwihii ammaanka ee gobolka Rift Valley.
Intii u dhexeysay sanadkii 2008-dii ilaa 2013-kii waxaa uu ahaa wasiirkii gaashaan dhigga ee Kenya .
Sanadkii 2012-kii waxaa uu si ku meel gaar ah u noqday wasiirkii amniga.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaan ka soo noqday deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Laga soo billaabo 2013-kii ilaa iyo maanta oo uu geeriyooday wuxuu ahaa senatarka aqalka sare ku matalo shacabka Garissa waxaana lagu xusuustaa in uu kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments