Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in la dhaqangelinayo ballanqaadyadii horumarineed

DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in la dhaqangelinayo ballanqaadyadii horumarineed

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu si buuxda u dhaqan gelin doono dhammaan waxyaabihii uu shacabka u ballanqaaday xilligii ololaha doorashada.
Ruto ayaa sheegay in geeddisocodka sharci beddelka ee BBI uu hakad geliyay habsami u socodkii mashaariicda horumarineed sida sare u qaadidda wax soo saarka, adeegyada guriyeynta , la tacaalidda cunno yarida iyo caafimaadka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay mashaariicda dhanka kaabayaasha waddooyinka , tamarta iyo barnaamijyada waxbarashada oo uu xusay in la wanaajiyay tan iyo sanadkii 2013-kii .

Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Kinangop ee ismaamulka Nyandarua .
William Ruto ayaa sidoo kale xusay in marnaba aynan diyaar u ahayn in shacabka la isku qabadsiiyo qaab qabyaalad ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments