Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ugu yaraan 70 qof oo ku dhaawacmay dhul-gariir saameeyay Japan

Ugu yaraan 70 qof oo ku dhaawacmay dhul-gariir saameeyay Japan

Wararka naga soo gaaraya dalka Japan gaar ahaan xeebta Fukushima ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhuftay dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.3.
Sida laga soo xigtay waaxda maareynta musiibooyinka ee Japan , ilaa iyo hadda 74 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhacdadan dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.
Ra’iisul wasaaraha Japan Yoshihide Suga ayaa sheegay in aynan jirin wax dhimasho ah oo la soo tabiyay.
Dhul-gariirkan ayaa imaanaya ku dhawaad 10 sano markii mid kale uu ku dhuftay gobolka bari ee wadankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments