Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qarax ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahin laga helayo

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahin laga helayo

Faahfaahin ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay Magaalaad Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Bar koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaaladaasi.
Qaraxaas oo ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Bar koontarool oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana gaariga nuuciisu ahaa NOHA.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaariga uu markii horey xoog kusoo maray Koontarool Ciidanka dowladda ku leeyihiin oo ku yaalla Isgoyska Dabka, hayeeshee Ciidanka ay rasaas badan ku fureen gaariga, sidaasina uu qarxay.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro nafeed iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa hareeraha laamiga, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay
Gawaarida gurmadka deg dega ayaa garaay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa buux dhaafiyay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena wariyeyaasha u diiday inay muuqaalo ka duubaan Goobta.
Faahfaahinta khasaaraha ka dhasha qaraxa kala socda halkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments