Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda tareenada dalka oo loo diiday barakicinta shacabka xaafadda Kibos ee Kisumu

Waaxda tareenada dalka oo loo diiday barakicinta shacabka xaafadda Kibos ee Kisumu

Maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee ismaamulka Kisumu ayaa kordhisay muddada uu shaqeynaya amar ay waaxda tareennada wadanka kaga hor istaagtay barakicinta dadweynaha ku nool xaafadda Kibos ee dowlad deegaankaas.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Antony Ombwayo.
Agaasimaha guud ee waaxda KR, Phillip Mainga ayaa lagu amray inuu joojiyo howlgal dheeraad ah ilaa iyo inta maxkamaddu ay arrinkan ka dhageysanayso oo ayna ka soo gaba gabeynayso.
Xaakinka ayaa qareenada labada dhinac matalaya ku amray in ay maxkamadda dib ugu soo laabtaan 21-ka bisha Afaraad ee sanadkan.
Howlgallada waaxda tareenada dalka ee guriyo iyo masaajid lagu burburiyay ayaa saameeyay boqolaal qof.
Waxaa sidoo kale la doonayaa in dacwadda maxkamadda la geeyay ay ka jawabaan wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Mr. James Macharia, dowladda ismaamulka Kisumu, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo guddiga qaran ee dhulalka ee (NLC).
Waxaa go’aanka maxkamadda soo dhaweeyay guddoomiyaha ururka muslimiinta ee Kisumu Sheekh Musa Xaaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments