Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddi loo saaray xulashada cidda beddelaysa Maraga

Guddi loo saaray xulashada cidda beddelaysa Maraga

Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo soo xulaya magaca mas’uulka noqonaya madaxa cadaaladda ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii bishii hore uu howlgab noqday David Maraga oo ahaa madaxii maxkamadaha Kenya.
Guddigan ayaa qiimeyn ku sameyn doono 13 shakhsi oo isugu jiro garsoorayaal iyo qareeno oo dirsaday codsiyo si ay u buuxiyaan jagadii uu ka fariistay Maraga.
JSC ayaa sheegtay in guddigan uu eegi doono aqoonta, waaya aragnimada iyo hab-dhaqanka mas’uuliyiinta codsiyada diray .
Waxaa xubnaha laga doonayaa in muddo 14 cisho gudahood ah ay soo saaraan liiska la turxaan bixinaya si loo sii kala saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments