Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Joe Biden oo saxiixay in xayiraado la saaro taliyaasha militari ee Myanmar

Joe Biden oo saxiixay in xayiraado la saaro taliyaasha militari ee Myanmar

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ansaxiyay amar madaxweyne oo ku aaddan in cunaqabateyn lagu soo rogo taliyaasha militari ee dalka Myanmar.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xusay in amarkan uu dhigaya in sida ugu dhaqsiyaha badan cunaqabateyn loo saaro madaxda militari ee afgembiga ka dambeeyay , xubnaha qoysaskooda iyo ganacsiyada ay leeyihiin.
Waxaa uu Biden mar kale ciidamada difaaca ugu baaqay in talada wadankaas ee ay 1-dii bishan qaab afgembi ah kula wareegeen dib ugu celiyaan maamulkii shacabka .
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu xayiraad saari doono waxyaabaha loo dhoofiyo dhanka Myanmar iyadoo la xannibaya hantida ay ka faa’iido dowladda dalkaas.
Hasa ahaate waxaa sii jiri doonto taageerada dhanka caafimaadka iyo dhinacyada kale ee uu Maraykanku u fidiyo Myanmar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments