Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Jarmalka oo kordhinaya muddada xayiraadaha dhanka isku socodka

Jarmalka oo kordhinaya muddada xayiraadaha dhanka isku socodka

Qaraar la soo saaray ka dib wada-hadalo ay yeesheen hoggaamiyaha wadanka Jarmalka Angela Merkel iyo madaxda 16-ka maamul goboleed ee dalkaas ayaa muujinaya in lagu heshiiyay kordhinta mudadda uu shaqeynaya amarka ku aaddan xayiraadaha lagu xakameynayo isku socodka bulshada si cudurka COVID-19 uunan ugu dhex faafin.
Sida qoraalka ku cad waxaa uu qorshuhu yahay in xayiraadaha ay sii jiraan ilaa 14-ka bisha saddexaad ee sanadkan.
Gudaha wadanka Jarmalka ayaa maanta laga diiwaangeliyay xaalado cusub ee coronavirus oo dhan 8,072 iyo dhimasho dheeraad oo ah 813.
Ilaa iyo hadda waxaa dalkaas cudurka COVID-19 ugu dhintay 62,969 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments