Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Golayaasha ismaamullada oo maanta loo bandhigaya BBI

Golayaasha ismaamullada oo maanta loo bandhigaya BBI

Waxaa maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada golayaasha hoose ee ismaamullada dalka ka dib labo bilood oo ay wakiillada fasax ku maqnaayeen.
Barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa sheegay in wakiillada 6-da ismaamul ee gobolka xeebta ay kulan yeesheen oo ayna ku heshiiyeen in maanta oo Talaado ah ay eegaan hindise sharciyeedka BBI.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wakiillada ay codkoodu ku taageeri doonaan qorshaha la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka.
Sidoo kale waxaa isla maanta hindisaha BBI la hor geynayaa golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka hoose ee Nairobi Cabdi Guyo ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta BBI ay tahay midda ugu horreysa ee laga wada hadli doono.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay hindisahan ansaxiyeen.
Dastuurka dalka ayaa qabo in ugu yaraan 24 golayaal ay hindise sharciyeedkan meel mariyaan si loogu gudbiyo baarlamaanka oo hadii uu taageero ka helo loo bandhigaya shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments