Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Aadan Barre oo sheegay in aynan fududeyn xilka qaadista William Ruto

Aadan Barre oo sheegay in aynan fududeyn xilka qaadista William Ruto

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa dhigiisa Lugari ,Ayub Savula u sheegay in aynan suuragal ahayn in si fudud xilka looga qaado madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu ka dalbaday inuu ka dhabeeyo hanjabaadii ahayd in uu baarlamaanka dalka u gudbinayo mooshin ka dhan ah Ruto.
Mr. Ducaale ayaa xusay inuu horay u soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha qaran ee xeer dejinta sidoo kalena uu u soo joogay xilliyo kala duwan oo xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay Amos Kimunya, Moses Wetangula iyo siyaasiyiin kale sidaas awgeedna in Ruto xil laga qaado aynan ahayn arrin lagu degdegi karo.
Mudanaha Garissa Township ayaa hoosta ka xarriiqay in xita hadii siyaasiyiinta xisbiyada ANC, ODM, Wiper iyo kuwa kale ay arrinkan iska kaashadaan aynan ku guulaysan doonin.
Waxaa uu ku celceliyay in siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka ay diyaar u yihiin in ay codkooda kaga difaacaan qorshaha lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli siyaasiyiin gaaraya 138 ay shalay kulan la qaateen William Ruto.
Ducaale ayaa dhanka kale sheegay in aan shacabka looga run sheegin hindise sharciyeedka sharci beddelka ee BBI oo sida uu hadalka u dhigay dadweynaha lagu marin habaabinayo.
Mr. Ayub Savula ayaa dhankiisa William Ruto ku eedeynaya in uu caqabad ku noqday barnaamijyada horumarineed ee dowladda oo uunan la shaqeyn madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments