Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya SAWIRO:Hooyada madaxweynaha dalka oo abaal marin la guddoonsiiyay

SAWIRO:Hooyada madaxweynaha dalka oo abaal marin la guddoonsiiyay

Mama Ngina Kenyatta oo ah hooyada madaxweynaha hadda wadanka hoggaamiyo Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la siiyay abaal marinta Macky Sall Prize For Dialogue In Africa ee 2019
Waxay billadan ka guddoontay wasiirrada wasaaradda difaaca ee Kenya . Dr .Ambasadoor Monica Juma.
Abaal marintan ayaa la bixiyay 11-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore waxaana xilligaas lagu soo bandhigay magaalada Dakar ee dalka Senegal .
Madaxweynaha dalkaas Macky Sall ayaa ku wareejiyay Monica Juma si ay marwadii koowaad ee dalka u guddoonsiiso hasa ahaate umaysan suuragelin inay dalka timaaddo xayiraadii la saaray safarrada , cudurka COVID-19 awgii.
Abaalmarintan sanadlaha ah ayaa la siiyaa shakhsiyaadka gudaha qaaradda Afrika iyagoo qaab wada-hadal ah adeegsanaya kaga hor tago dagaallada waxaana loogu magacdaray madaxweynaha Senegal Macky Sall oo horay loogu sharfay dhanka dhexdhexaadinta.
Mama Ngina Kenyatta ayaa lagu ammaanay in ay si hoose wada xaajood ugu adeegsatay inay dejisay xasaradda gudaha dalka iyo si guud gobolka.
Mrs. Ngina Kenyatta ayaa ka mahadcelisay abaalmarinta lagu sharfay waxayna sheegtay in ay muujinayso kaalinta Kenya ay ka qaadanayso xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments