Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dibadbaxyo maalinkii saddexaad ka socdo Myanmar

Dibadbaxyo maalinkii saddexaad ka socdo Myanmar

Boqolaal ka mid ah shacabka dalka Myanmar ayaa maalinkii saddexaad isugu soo baxay waddooyinka magaalada Yangon iyagoo muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembi militari oo maalmo ka hor halkaas ka dhacay.
Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada difaaca ee Myanmar ay qaab afgembi ah kula wareegeen hoggaanka dalkaas.
Waxay sidoo kale xireen saraakiil sar sare oo ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi oo Myanmar hoggaaminaysay.
Dibadbaxayaasha oo intooda badan ku labisan dhar uu midibkiisu madow yahay ayaa dalbanaya in xabsiga laga siidaayo madaxda la xiray.
Ciidamada militariga ayaa tallaabada ay qaadeen u aaneeyay in maamulka talada hayay uu ku soo baxay doorasho sanadkii hore la qabtay oo lagu tilmaamay mid aan si cadaalad ah loo maareyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments