Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in loo baahan yahay taageeridda ganacsatada...

DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in loo baahan yahay taageeridda ganacsatada yaryar

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in la joogo xilligii wax laga beddeli lahaa qorshaha iyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda.
Xilli uu ku sugnaa degmada Mtwapa oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayuu Ruto carrabka ku adkeeyay in muddo badan diiradda la saarayay danaha mas’uuliyiinta .
Waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in arrimaha horumarka meel hoose laga soo billaabo .
William Ruto ayaa sheegay in sida dowladda ay sanad kasta 100 milyan oo shilin ugu bixiso sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta la doonayo in 100 milyan lagu taageero ganacsatada yaryar.
Waxaa uu ku celceliyay in cid kasta ay tahay canshuur bixiye sidaas awgeedna xaq siman loo leeyahay taageerada maaliyadeed ee dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments