Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ka tirsan

Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ka tirsan

Ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu dagaal culus uu ku dhex-maray degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo sida ay wararku sheegayaan.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal ka bilaabeen degaano hoostaga degmada luuq, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacayTuulada Shaataloow oo Qiyaastii 18km u jirta degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya laba jeer ay dagaal la galeen Al-Shabaab, isla markaana Xubno badan ay ka dileen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay ka saaraan degaannada hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab, kadib marka Al-Shabaab ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada ama weraro jidgal ah ay ku qaadaan.
Dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo Baxaysa weerar bambaano oo lagu qaaday Hoyga uu Magaalada Baydhabo ee Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hal ruux uu geeriyooday ilaa laba kale oo Shacab ahna ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar bambaano lagu qaaday hoyga Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed,oo ku yaal kasoo horjeedka Garoonka Kubadda Cagta DR Ayuub ee Magaalada Baydhabo.
Weerarka bambaano kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamo ku sugan Guriga,waxaana rasaastaas la sheegay inay dhaawac culus oo kasoo gaaray u geeriyootay Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre sida ay warbaahinta guduhu qorayso.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koon fur Galbeed ayaa sameeyay howlgallo soo gaaray ilaa saaka, kuwaasoo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano.
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay sidoo kalena ah Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan magaalooyinka Koonfur Galbeed, waxaana ku sugan Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamo Itoobiyan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments