Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Qaybaha hooyga ee labo dugsi oo ku yaalla Bomet oo la gubay

Qaybaha hooyga ee labo dugsi oo ku yaalla Bomet oo la gubay

Waxaa xalay dab la qabad siiyay qaybihii ay ardayda seexanayeen ee labo dugsi oo ka mid ah kuwa ku yaalla ismaamulka Bomet.
Dugsiyadan ayaa kala ah Kabungut ee bartamaha Bomet iyo Chebunyo oo ku yaalla deegaanka Chepalungu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabku uu kacay wixii ka dambeeyay 9-kii fiidnimo.
Dhacdada koowaad ayaa laga soo tabiyay dugsiga sare ee Kabungut xilli ay ardaydu qaadanayeen casharro dheeraad ah waxayna hal saac ka dib mid kale saameysay xarunta waxbarashada ee Chebunyo .
Hal bil ka hor ayay ahayd markii uu dab qabsaday dugsiga sare ee wiilasha ee Kimulot oo ku yaalla deegaanka Konoin ee ismaamulka Bomet .
Khamiistii la soo dhaafay ayaa dhanka kale gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo lala xiriiriyay dab ka kacay dugsiga sare ee Tengecha ee ismaamulka Kericho .
Waxay dhacdadaas dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen 21 arday ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments