Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Laamaha ammaanka oo baaraya dilal laga gaystay Embu

Laamaha ammaanka oo baaraya dilal laga gaystay Embu

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay wado baaritaano ku aaddan dhacdo uu nin ku dilay xaaskiisa iyo labo carruur oo uu dhalay.
Falkan ayaa laga soo tabiyay deegaanka Mbeere ee ismaamulka Embu.
Saddexda qof ee uu eedeysanaha dilay ayay da’doodu kala ahayd 28, 9 iyo 5 sano.
Laamaha ammaanka waxaa falkan ku soo wargeliyay Anthony Munyiri oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaabilsan dhanka maamulka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaha uu hadda ku jiro gacanta saraakiisha ammaanka iyadoo ciidamadu ay ku dadaalayaan in ay ogaadaan sababta uu qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa u laayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments