Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 30 ka mid ah bulshada Rohingya oo loo xiray...

In ka badan 30 ka mid ah bulshada Rohingya oo loo xiray in ay galeen Malaysia

Ciidamada booliska ee dalka Malaysia ayaa sheegay in bishii hore ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 30 qof oo ka mid ah qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya ee dalka Myanmar.
Dadkan ayaa la rumeysan yahay in ay ka soo carareen xero qaxooti oo ku taalla Indonesia.
Shakhsiyaadkan oo haween u badan ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay dooni saarnayeen.
Agaasimaha waaxda arrimaha gudaha ee booliska Malaysia Cabdul Raxiim Jaafar ayaa sheegay in 21 ka mid ah eedeysanayaashan lagu soo oogay dacwad ah in ay wadankaas galeen iyagoo aan sidan dokumeentiyada habboon.
In ka badan 12 ka mid ah ayaa lagu wareejiyay waaxda socdaalka ee Malaysia.
Jimcihii ayay ahayd markii madaxweynaha Indonesia Joko Widodo uu sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha Malaysia Muxiyiddin Yaassiin ay ka wada hadleen arrimaha bulshada Rohingya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments