Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan shirka Dhuusamareeb iyo weerarkii xalay

DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan shirka Dhuusamareeb iyo weerarkii xalay

Shirka magaalada Dhuusamareeb ee madaxda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa weli ka socda caasimadda Galmudug iyadoo la sheegayo in inta badan laga heshiiyey qodobadii muranku ka taagnaa.
Arrinta ugu adag ee la isku hayo oo ah tan gobolka Gedo ayuu wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo noo warramay sheegay in isku soo dhawaad laga sameeyey in kasta oo aan shirka weli war murtiyeed laga soo saarin.

Wasiirka oo uu wareystay Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda soomaaliya ku dhex maray duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Galmudug Axmad Macallin Fiqi oo u warramay laanta afka-soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan xubnaha Al-shabaab ee baxsaday ka dib weerarkii xalay .
Wasiirka ayaa beeniyay in amni xumo ay soo foodsaarayso magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments