Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane oo tagay suuqa xoolaha ee dowlad deegaankaas ayaa dadweynaha gaar ahaan ganacsatada ku boorriyay in ay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu garab siinayo ganacsatada danyarta ah.
Sidoo kale dadweynaha ayuu uga digay in aynan u nuglaan faragelinta iyo saameynta sida uu hadalka u dhigay dan shakhsiyeed ku saleysan oo uu sheegay inay ku howlan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta.
Mr. Bunow ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lacag 10,000 ah iyo agab lagu ganacsado uu siiyay cid kasta oo ka mid ahayd ilaa 200 oo qof oo ku hanti beeshay suuqaas oo horay u gubtay.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha sharci beddelka ee BBI isagoo xusay in faa’iido gaar ah aynan ugu jirin balse ay taageerayaan oo Garissa laga ansaxin doono .
Guddoomiyaha Garissa ayaa dhanka kale xusay in sanadihii ugu dambeeyay laga badbaaday saameynta abaaraha.