Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Khuburrada WHO oo tagay isbitaalkii lagula tacaalay kiisaskii ugu horreeyay ee COVID-19

Khuburrada WHO oo tagay isbitaalkii lagula tacaalay kiisaskii ugu horreeyay ee COVID-19

Koox khuburro ah oo ka socdo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kuna sugan dalka Shiinaha ayaa tagay isbitaalkii lagu daaweeyay dadkii ugu horreeyay ee uu soo ritay cudurka COVID-19.
Waxay kooxdan waddaa baaritaan lagu ogaanaya halka uu ka soo billowday cudurka.
Maanta ayay tageen isbitaalkan oo ku yaalla magaalada Wuhan ka dib markii ay la kulmeen sayaansiyahaanno ka soo jeedo Shiinaha.
Peter Daszak oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in ay tageen goobtii ugu muhiimsanayd oo ay la kulmayaan sidoo kalena wareysanayaan dhakhaatiirtii ugu horreysay ee cudurka la tacaasho dabayaaqadii sanadkii 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments